333 Views

Guluf dagaal oo ka billaawday gobolka Gedo, Ciidamada Kenya & Itoobiya oo ka qeyb galaya

Guluf dagaal oo ka billaawday gobolka Gedo, Ciidamada Kenya & Itoobiya oo ka qeyb galaya
____________________________________________________________________________

Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed G/le sare Cismaan Xaaji Axmed, Abaandulaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidamada xooga Gobolka Gedo Gashaanle Sare Cismaan shiikh Cabdi Qorax sarakiil/ sarakiil xigeeno ayaa xarada Uk ee Degmada Baladxaawo ku soo dhaweeyey Hogaanka amniga Gobolka Gedo ee Nisa Gen Jamaal Xasan sare Gudoomiye Cabdirashiid Caroog, iyo sarakiil kale.

Soo dhaweyn ka dib ayey yeesheen kulan looga hadlayey amaanka nabadgalyada xogaha dahsoon ee laga helayo Xubnaha Al-Shabaab goobaha ay ku ku sugan yihiin iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa howlagalka dhawaan la filayo in ay ka bilowdo Guud ahaan degaanada Jubaland.

Sidoo kale sarakiisha ayaa si gaar ah ooga hadley in ay qeybta uga weyn ay ka qaadan donaan howlgalka wajigiisa labaad ee uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, dhankoodana ay diyaariyeen Ciidamadii howlgalka la fulin lahaa kuwa safka hore sida Itoobiya iyo Kenya.

Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada aysan ka jirin Ciidamada macawaaisleyda, balse ay ka howlgallaan Ciidamada dowladda noocyadooda kala, kuwaas oo la filayo inay billaabaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post