855 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Duqa Degmada Gaalkacyo  Cabdirahman Sheekh Xasan ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha ugu Sarreeysa Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Nabad Sugida.

Kulanka ayaa intii uu socday ayaa la iska xog wareystay guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo Maandooriyaha, waxaana lagu adkeeyay sii wadista howlgallada Amniga lagu sugayo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo Saraakiisha Amniga ku amaanay Shaqada ay bulshada u hayaan ayaa ugu baaqay Shacabka Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga kuna soo wargeliyaan qatar kasta oo ay dareemaan si Gaalkacyo u noqoto goob ka caagan kuwa geysta falalka Amni darro.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post