1005 Views

Dagaal xooggan oo ka socdo agagaarka caasimadda Ukraine

Dagaal xooggan oo ka socdo agagaarka caasimadda Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti:February 26, 2022

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine waxay sheegayaan in agagaarka caasimadda Kiev uu ka socdo dagaal xooggan xilli qaraxyo ay ka dhaceen halkaas.

Kiev ayaa waxaa laga maqlay qarax weyn oo ka dhacay agagaarka fagaaraha Maidan, waxaana la soo sheegayaa in qaraxyo kale ay ka dhaceen agagaarka Troieshchyna ee isla Kiev.

Gantaallo lagu garaacay Kiev ayaa aad looga maqlayay bartmaha magaalada, sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan halkaas.

Sida laga soo xigtay koox madaxbanaan, in kabadan 50 qarax iyo rasaas culus ayaa laga soo sheegay inay ka dhaceen meel u dhaw agagaarka beerta xayawaanada iyo agagaarka deegaanka Shuliavaka.

Weriyaha warbaahinta Fox News oo joogo halkaas ayaa kusoo warramayaa in magaalada haatan dhinacyo badan laga soo weeraray.

Waddada Peremohy waxaa lagu arkayay baabuur gubaneysa iyo uuuro madow oo cirka isku shareertay.

Dagaal culus ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa meel u dhow garoon diyaaradeed oo ku yaalla Vasylkiv.

Ciidamada Ukraine ayaa ku andacoonaya inay ku guuleysteen inay Ruushka ka saaraan magaalada Mykolaiv ee dhacda badda madow.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post