936 Views

MD Farmaajo oo ka hadlay xasuusta qarixii Soobe

MD Farmaajo oo ka hadlay xasuusta qarixii Soobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 14, 2021=Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe, kaas oo ay ku dhinteen boqollaal shacab ah, wuxuuna Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.”

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasha Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen Ururka Al-shabaab.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post