1011 Views

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane iyo Paul Pogba oo u haleeli Doona kooxda Paris St-Germain

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane iyo   Paul Pogba oo u haleeli Doona kooxda Paris St-Germain
____________________________________________________________________________

 

June 19 2021

Weeraryahanka Tottenham iyo England Harry Kane, 27 jir ah, ayaa u cadeeyay wakiiladiisa inuu diyaar u yahay inuu kula midoobo Mauricio Pochettino kooxda Paris St-Germain. (90min)

PSG ayaa markale isku dayi doonta inay heshiis la saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo xulka Fransiiska Paul Pogba, oo 28 jir ah .

Daafaca reer Scotland ee Kieran Tierney, oo 25 jir ah, ayaa ogolaaday heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Arsenal kaas oo uu saxiixi doono mustaqbalka.

Sergio Ramos ayaa isha ku haya kooxaha Manchester United, PSG iyo Sevilla ka dib markii 35 jirka qadka dhexe ka tagay Real Madrid.

Daafaca Real Madrid iyo Faransiiska Raphael Varane, oo 28 jir ah, weli ma uusan go’aansan mustaqbalkiisa, iyadoo ay jiraan warar la la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu doonayo inuu ku biiroManchester United iyo Chelsea.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post