309 Views

Ergayga abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caalamka u diray qeyla-dhaantii ugu dambeysay

Ergayga abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caalamka u diray qeyla-dhaantii ugu dambeysay
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Ergeyga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wax ka qabasahada abaaraha oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa isku dayaya inuu indhaha caalamka kusoo jeediyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo wax ka qabashada abaaraha.

“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay wakaaladda wararka ee AFP.

Malaayiin qof ayaa halis ugu jira inay macaluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.


Intii lagu guda jiray kulamo uu la yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo bilowgii toddobaadka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku celceliyay in weli “farqi weyn” uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya ee hadda.

“Haddii aan la helin jawaab bini’aadannimo oo ku filan… macluusha ayaa dhici doonta,” ayuu ka dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu talagalay Soomaaliya.

Madaxa gargaarka bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa toddobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul markii labaad muddo toban sano gudahood ah.

AFP.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post