840 Views

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushku uu isku dayayo in uu sameeyo dowlado kala gogo’an si uu dalkiisa u kala gooyo.

Madaxweynaha Ukraine oo  sheegay in Ruushku uu isku dayayo in uu sameeyo dowlado kala gogo’an si uu dalkiisa u kala gooyo.
____________________________________________________________________________


Axad: March 13, 2022

Ruushka ma doonayo Ukraine oo awood leh oo sii jirta sida ay aaminsan yihiin dadka siyaasadda indha indheeyea waayo Ukraine oo sideeda u sii jirta wuxuu Ruushku u arkaa in NATO oo ku soo siqeysa xuduudiisa qatarna ku noqon karta Ruushka .

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu isku dayayo in uu sameeyo dowlado kala gogo’an si uu dalkiisa u kala gooyo.

Hadal uu jeediyey ayaa ku sheegay in gobolada Ukraine aanay mar kale ku celin wixii ka ka dhacay Donetsk iyo Luhansk oo ay gacanta ku hayaan kooxaha gooni u goosadka ee uu Ruushku taageero .

Ma aha Ukraine oo keliya ee waxaa jira dalal kale oo Ruushku ulo booc ugu tukabayo kuwaas oo ku jira ama ka mid noqon raba NATO, hase yeeshee dalalkaasi hadda waxay isu arkaan kuwo halis ugu jira mar kasta in Ruushku weeraro iyagoo hadda aad uga welwelsan dagaalka Ukraine .

Reer galbeedku waxay ku calcelinayaan in Ruushku doonayo in ay wax ka bedelaan qariiradda Yurub ayna dibu yaglelaan qaab u eg Midowgi Sofeeti ee hore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post