1101 Views

SAWIRO:-Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

SAWIRO:-Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Qaar kamid ah Shacabka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo uu maamulo Maamulka Puntland ayaa waxaa ay Maanta dhigeen Banaanbax ay codsi ugu dirayeen dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

 

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa waxaa ay Dowaldda Federaalka iyo Puntland ka dalbanayaan inay ka wada Shaqeeyaan sidii loo siideyn lahaa Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Xabsiyo ku yaalla dalka Cuman.Dhalinyarada xiran ayaa loo heystaa tuhun la xiriira inay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcad Burcad badeeda Soomaalida,waxaana la sheegay inay dhibaatooyin kala duwna ku heystaan Xabsiyada.

 

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Eheladooda ah ay mudo ku jiraan Xabsiyada dalka Cumaan,isla markaana 5 kamid ah ay u geeriyoodeen xaalad Caafimaad darro.

 

Waxaa ay ka codsadeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamulka Puntland inay siwadajir ah uga wada qeyb qaataan sidii Dhalinyaradaas xurriyadooda ay u heli lahaayeen loona siideyn lahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment