2841 Views

Sawiro:-Shir Muhiim U ah Warbaahinta ah Oo ka furmay Muqdisho

Sawiro:-Shir Muhiim U ah Warbaahinta ah Oo  ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Shir wadatashi ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirrada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa ka mid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.  Kulankani Ayaa Lagu Wadaa In Laga Soosaaro Malinta Barita ah Warmuriyeed Quseeya arinkaas

x1 x2  x5x3 x6 x7

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment