303 Views

Xildhibaan Faysal Xasan oo kasoo horjeestay in la tarxiilo Soomaalida ku nool Canada

Xildhibaan Faysal Xasan oo kasoo horjeestay in la tarxiilo Soomaalida ku nool Canada
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

Iyadoo dhowaan dowladda Canada ay sheegtay inay dalkeeda ay ka musaafurinayso dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyadooda ayaa xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee NDP ,wuxuu ku tilmaamay tallaabada dowladdu ay ku tarxiilayso dadkaas mid aan sax ahayn oo midab takoor ah.

Waxaa uu xildhibaanku ku eedeyay dadka dadka tahriibaya in ay iyagu siyaabo khaldan ugu sameeyaan dadka marka hore dukumiintiyo aan ka turjumen halka saxda ah ee ay ka soo jeedaan, isagoo sheegay sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay arrintaan kala hadlayaan dowladda Canada.

“Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad inaga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, welina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da’da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda joogeen” ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa yiri “Haddii aysan sheeganin dokumentiyadii ay dalka ku yimaadeen, waxa ay yihiin oo la xaqiijiyay iyaguna caddeeyeen, Soomaalida wakiilkoodana uu caddeeyay safaaradooda in dadkan ay yihiin dad Soomaali ah”

Xildhibaan Faysal ayaa ku eedeeyay mukhalasiinta inay sal u yihiin dhibaatada dadka heysta maadama markii hore oo ay dadkan dalka soo galeen ay u sameeyeen dokumentiyo aan sax oo aan caddeyneynin halka ay kasoo jeedaan.

“Dadkan waa dad Soomaali ah, oo Soomaaliya cabsi fara badan uga soo qaxay, haddii mukhalasiinta ay ka qariyeen ayna cabsi geliyeen in aysan sheeganin dokumentiyadii ay waddanka ku yimaadeen , dokumentiyada dadka soo xambaaraya ay ka iibiyeen dadkan ama dalkeeda ay ku keenayaan ma aha kuwa sax ah iyaguna waxay sheegteen inay Soomaali yihiin, Soomaalinimadoodana wey caddahay , waana la xaqiijin kara, waana la arkaa” ayuu yiri xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post