771 Views

Kenya oo sheegtay inay xeelad Cusub u adeegsaneyso la dagaalanka Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay inay xeelad Cusub u adeegsaneyso la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Taliyaha Guud ee Ciidamadda difaaca dowladda Kenya, Robert Kibochi ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka hirgeliyeen xeelad Cusub oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, taas oo loo adeegsanayo dhinaca Tiknoolajiyada.

Xeeladaan Cusub ayuu ku sheegay inay tahay mid dadweynaha ay taageero uga helayaan, isaga oo aan Robert Kibochi faah faahin dheeraad ah ka bixin nooca cusub ee dhanka Tiknoolajiyada ah oo ay u adeegsanayaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshahaan Cusub uu yahay mid lagu hormarinayo Qalabka ay isticmaalaan Ciidamada dIfaaca Kenya, isla markaana dhaqan-gelinta mashruucaan cusub uu qaabilsan yahay Machadka Tababarka Farsamada Tiknoolajiyada Ciidamada Kenya oo la aas-aasay 1964-tii.

“Arrintaan waxay qayb ka tahay horumarinta Ciidamadeena, waxaana diyaar u nahay in aan ku guuleysano quluubta shacabka kuna beerno, kuna abuurno wadaniyad ku dheehan in dagal dag lala galo argagaxisada Al-Shabaab ayuu yiri” Taliye Robert Kibochi.

Kenya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomalaiya, iyaga oo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM, waxaana ay ka howlgallaan degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post