1125 Views

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Guriceel oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Guriceel oo kordhay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 24 2021=Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dagaalka oo Maanta markale ka dhacay Guriceel ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil iyo askar ka kala tirsan labada dbinac, waxaan dadka ku dhintay kamid ah Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Garoonka Guriceel Cabduqaadir Maxamed Diiriye iyo askar kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaafiic ay ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel, isla markaana taasi sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan.

Isbitaalka Istarliin ayaa ku yaala Wadada isku xirta Schoolka Al Ma’muun iyo Jaamacadda ee dhanka Waqooyi berri degmadda Guriceel.

Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa helaya Gurmadyo kala duwan, waxaana la sheegayaa in markale uu dhici karo dagaal xoogan oo djexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post