306 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dalka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo oo  ku wajahan dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Itoobiya sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Xamze ayaa booqanaya Magaalooyinka Addis Ababa, Bahardar iyo magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu safarkiisa ugu horreeya ee Itoobiya uu ku tegayo magaalada Addis Aaba, kadibna uu safaro ku gaarayo magaalooyin kale, sida uu qorshahu yahay.

Waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa dhigiisa Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan Gobolka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre marka uu dhameysto safarkiisa Itoobiya uu sidoo kale booqan doono dalka Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post