1041 Views

Darawalada gaadiidka dadweynaha oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

Darawalada gaadiidka dadweynaha oo banaanbax ka dhigay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Darawalada gaadiidka nooca dadweynaha ay raacaan ee ka howlgala degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta banaanbxa cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si weyn uga soo horjeeday lacago aan sharci aheyn oo ay sheegeen inay ka qaatan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in Ciidamo hubeysan ay Jid-gooyooyin u dhigteen gaadiidka ka howlgala degmooyinkaas, isla markaana looga qaado lacago aan sharci aheyn oo ay ku sheegeen inay tahay Baad.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood Ciidanka lacagta ka qaada ay dhibaato u geystaan dadweynaha saaraan gaadiidka ay wadaan, lagana dhaco Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, waa sida hadalka loo dhigay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post