822 Views

Tallaalka Covid-19: ‘Sida sawir laga qaaday cagteyda loogu adeegsaday

Tallaalka Covid-19: ‘Sida sawir laga qaaday cagteyda loogu adeegsaday
____________________________________________________________________________

Patricia waxay la daalaa dhaceysaa xannuun ku dhaca maqaarka oo aan faahfaahin laga bixin, balse arrinta jahwareerka dhalisay waxay tahay in sawir laga qaaday cagteeda lagu baahiyo baraha bulshada waxaana adeegsaday koox ka soo horjeedo tallaalka lagu daweynayo fayraska Covid-19.

Sawirka laga qaaday cagteeda ayaa muujinaya meel biyo ay galeen oo boog ah iyo dheecaan iyo barar ka muuqdo lugta.

“Kawaran, haddii sawirkan uu yahay qof ka qeyb qaatay tallalka, diyaar ma u tahay in lagu tallaalo,” ayaa la raaciyay farriinta been abuurka ah.

Maalin gudaheed waxaa baraha Facebook iyo Instagram lagu baahiyay sawirka, kumanaan jeer, sidoo kale sawirka wuxuu kusii baahay Twitter-ka.

“Arag sawirka waxay isku deyayaan inay nagu waxyeelleeyaan tallaalka,” ayuu Twitter soo dhigay qof adeegsada bartaas.

Sawirka waxaa laga qaaday cagta gabadh lagu magacaabo Patricia oo ku nool gobolka Texas ee dalka Mareykanka – waana run inay ka mid aheyd dadkii ka qeyb qaatay tallaalka Pfizer/BioNTech.

Patricia weligeed ma aysan qaadan tallaal caadi balse diiwaaanka dhanka caafimaadka ayaa muujinaya in ay qaadatay dawada Placebo oo ka kooban biyo iyo cusbo.

Xanuunkeeda wax xiriir lama lahan dawada ay qaadatay balse dadka billaabay ololaha ka dhanka tallaalka coronavirus waxay sawirka cagteeda u baahinayeen si ay u fulliyaan danahooda gaarka. Patricia waxaa xanuunkeeda usii dheer tacaddiyo ay kala kulantay Online-ka.

Jahwareerka ka dhashay sawirka

Patricia waxay sheegtay in xanuunkeeda uu bilaabmay bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay ka dib markii ay banaanka u lugeeyeen iyada iyo canugeeda iyo seygeeda, waxayna xanuun ka dareentay cagta hoose ee lugta bidix, seygeeda wuxuu u sheegay in kabahii ay qabtay ay hoos ka qabanayeen.

Balse markii ay tegtay guriga waxaa barartay lugteeda, waxaana galay biyo. Waxay ku qasbanaatay in lugta ay ku xirto xafaayadda canuggeeda.

Waxaa haweeneydan markii danbe ku adkaaday socodka, waxay aaday dhakhtar, kaas oo u sheegay waxyaabo dhowr ah oo ka dhashay xannuunkaas.

Waxyaabaha suurtagalka ah in xanuunka uu ka dhalan karo waxaa ka mid ah qaabka maqaarkeeda uu uga falceliyay dawo ay horey qaadatay.

Maskaxdeedu waxaa ku qufulnaa in tijaabada tallaalkii ay horey u qaadatay ay tahay, shan maalmood ka hor ayay aheyd markii ay qaadatay cirbadii labaad ka hor inta uusan xanuunkan cagta kaga dhacay uusan ku dhicin.

Ka dib markii ay ka soo laabatay dhakhtarka, Patricia waxay la hadashay qaraabadeeda si ay uga kaalmeeyaan kharashka ku baxayo caafimaadkeeda.

Sida uu sawirka ku faafay?

Sheekada ku saabsan gabadhan ayaa si degdeg ah u baahday ka dib markii nin ka mid ah dadka wado ololaha ka dhanka ah tallaalka uu soo dhigay baraha bulshada iyo goobo kale.

Goobaha uu dhigay sawirka cagta gabadha waxaa ka mid ah bar qaabilsan diinta Masiixiyadda, waxayna cagta Patricia u soo daliishanayeen aayado ku yaalla kitaabka Bible-ka.

Waxay ololahooda u weeciyeen dhanka diinta, waxaana sawirka Patricia lagu baahiyay baraha bulshada xitaa wuxuu gaaray Romania, Poland iyo Portuqiis-ka.

Saameynta dawada Placebo

Inkastoo sawirka uu baahay, haddana shirkadda Pfizer iyo dhakhtarka Patricia waxay bilaabeen in ay eegaan qaabka ay uga qeybgashay tallaalka.

Sida caadiga ah, dadka ka qeybqaato tijaabada tallaalka looma sheego in cirbadda ay qaadanayaan ay tallaal tahay ama dawada Placebo -waxaana macluumadka ku saabsan arrintaas loo sheegaa cilmi baarayaasha oo keliya.

Patricia waxay sheegtay in xaaladda la soo deristay aawadeed ay qasabtay in cilmi baarayasha iyo shirkadda soo saartay ay u sheegeen in ay qaadatay dawada Placebo oo ka kooban cusbo iyo biyo, balse aysan qaadan tallaalka tijaabada.

Waxaan si madaxbannaan u xaqiijineynaa, aniga oo la kaashanay dhakhaatiirta qaabilsan cudurrada ku dhaca maqaarka, in dawada ka kooban biyaha iyo cusbada aysan keeneynin cudurkan gabadha ka galay cagta ee dhibaatada ku haya.

Patricia waxay sheegtay: “Dhaawaceyga wax xiriir ah lama laha tallaalka, dadka waxay iga baahiyeen wax khalad ah”.

Dhakhtarkeeda wuxuu ku howlan yahay sidii uu ku ogaan lahaa xanuunkan cagta kaga dhacay.

Sawirka oo weli sii baahayo

Weli sheekada been abuurka ee ku saabsan gabadhan waa mid ku sii baaheysaa baraha bulshada.

Sawirka ku saabsan cagta Patricia wuxuu gaaray bogag ay leeyihiin kooxo billaabay warar khuraafaad ah oo ka dhan ah tallaalka oo ku sugan Mareykanka iyo Britain.

Patricia waxay farriin ka heshay kooxda wado ololaha ka dhanka ah tallaalka oo sheekadeeda geliyay YouTube-ka.

Waxay taccadiyo kala kulantay baraha bulshada, dadka qaar waxay ugu yeerayeen “doqon, qof la qabatimay daroogada iyo ereyo kale oo aflaago ah”.

Dadka wado ololaha ka dhanka ah tallaalka coronavirus ayaa Patricia u soo diray farriimo caro leh oo ay ugu baaqayaan in aanay weligeed ka qeybqaadan tallaalka halka dadka qaar ay u soo dirayeen farriimo aflagaado ah oo ay ku eedeynayaan in ay waddo warar been abuur ah.

Patricia waxay markii danbe ku qasbanaatay in ay iska xirto boggagii ay ku laheyd baraha bulshada maadama ay aflagaado kala kulantay. Waxay sheegtay in ay ka carootay farriimaha ay wadaan dadka ka soo horjeeda tallaalka cudurka Covid-19.

“Arrinta dhabta ah waxay tahay in dadkan wado ololaha ka dhanka ah tallaalka uu ujeedkoodu yahay in dadka kale ay ka careysiiyaan,” ayay tiri Patricia.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post