1401 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii ballaaran uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada Boosaaso.

Madxaweynaha ayaa meel fagaaro ah kula-hadlay shacabkii soo dhoweeyey, isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga gobolka, iskana kaashadaan sidii Boosaaso amnigeeda, horumarkeeda, bilicdeeda iyo wadajirkeedu taam u noqonlahaa.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta ballaaran ee ay noo sameeyeen aniga iyo weftigayga maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka reer Boosaaso, runtii waxaa waxlaga xumaado ah in dad cadaystey dadkeena biri-magaydada ah inay horteena ku qashaan oo uu ugu danbeeyey Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo runtii ahaa Suldaan Qiime weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed meel kastay joogaanba oo ka qayb qaadan jirey nabadda, ciddii falkaas geysatey iyo kuwii ka horeeyeyba ee lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O iyo inta la mid ka ah ee ka shaqaynaayey horumarka wadankan, dadkii falay saasi ula jeedadoodu waxay ahayd nolosha Puntland inay gooyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment