1044 Views

Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad joogaan dad dhac ka geystay Muqdisho

Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad joogaan dad dhac ka geystay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Xilli qaar kamid ah Bulshada kunool degmooyinka qaar ee Gobolkan Banaadir ay ka cabanayaan rag hubeysan oo dhac u geeysanaya mararka qaarna dilaya ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in arrintaasi si deg deg ah ay wax uga qabanayaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Bulshada Gobolka Banaadir ku dhex jiraan dad ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ka qeyb qaata falalka Amni darro ee ka dhaca Magaalada Muqdosho.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah Burcadda dhaca geeysaneysay halka kuwo kale uu sheegay inay ku taadjoogaan, isaga oo uga digay inay dhaca sii wadaan.

” Horay waxaan Saldhiga howlwadaag kusoo bandhignay burcad dhacay Mootooyin Bajaaj iyo dadkii lahaa, welina howlgalka waa uu socdaa oo waxaa jira dad inta Mobeeladoodii laga dhacay ka samran aan dib ugu celinay markii aan qabanay Burcaddii ayuu yiri” Afhayeenka.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ka dhacay dilal Kooxaha Burcadda ah ay u geysteen rag dhalinyaro ah xilli ay ka dhacayeen Mobeeladooda.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post