936 Views

Dawlada Mali oo u yeeratay safiirkeeda u jooga dalka Faransiiska.

Dawlada Mali oo  u yeeratay safiirkeeda u jooga dalka Faransiiska.
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Dawlada Mali ayaa u yeeratay safiirkeeda u jooga dalka Faransiiska kadib markii m/weynaha Faransiisku u gafay dawlada iyo m/weynaha Mali.

War kasoo baxay madaxtooyada dalka Mali ayaa lagu sheegay in loo yeeray safiirkooda Faransiiska joogay si loola tashto maadaama uu hadda uu xumaanayo xiriirka labada dal.

Wasiirka arrimaha dibbadda Mali Cabdulaayee Diyaab ayaa sheegay inay hadal aan wanaagsanayn u arkeen hadal uu warbaahinta siiyay m/weynaha Faransiiska Emaanual Makron 

M/weyne Makron ayaa shalay sheegay in dalka Mali uu yahay dal kala qeybsan oo m/weynuhu ku cayaarayo dawladnimada.

Faransiiska oo horey u gumaysan jiray dalka Mali hadda waxaa ka jooga ciidamo fara badan oo dawlada ka caawiya dagaalka ay kula jirto kooxo hubeysan oo dalkaas ka dagaalama.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee Faransiiska iyo Mali ayaa sii xumaanayay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post