1086 Views

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo goor dhawayd lagu xiray Garoonka magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo goor dhawayd  lagu xiray  Garoonka magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni.

Ruuxa la qabtay, oo la ogaaday in uu ka howl-gali jiray Kenya, ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaasadeen booliska Turkiga iyo hayadda sirdoonka dalkaas (MIT).

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warqad lagu soo xirayo qofkaas laga soo qaatay maxkamadda. La tuhunsanaha ayaa heysta dhalashada dalalka Jarmarlka iyo Talyaaniga, waxaana magaciisa lagu soo koobay A.B. oo kaliya.

Al-Sabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa ah urur gacan saar la leh shabakadda Al-Qaacidda, waxayna weerarro badan ka fuliyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo daris la ah, sida Kenya oo xad la wadaagta Soomaaliya.

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post