834 Views

Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka Haiti oo balan qaaday qaban doono doorasho

Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka Haiti oo balan qaaday qaban doono  doorasho
____________________________________________________________________________

Khamikis: July 29 2021

Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee dalka Haiti ayaa balan qaaday in dalkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaban doonaan doorasho kadib markii shirqool lagu dilay madaxwaynihii wadankaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaarineeso qorshii ay u qaban lahayd doorashada waliba sida ugu dhaqsiyaha badan, inkastoo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ay bilaabanyaso doorashada.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli wadanka Haiti uu cagaha kula jiro xasilooni daro siyaasadeed oo ka dhalatay dilkii loo gaystay madaxwaynihii wadankaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post