978 Views

Qarax xoog leh oo jugtiisa laga maqlay Muqdisho oo goordhaw ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha

Qarax xoog leh oo jugtiisa laga maqlay Muqdisho oo goordhaw ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Qarax xoog leh oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha iyo isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in sarkaalkii uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas ayaa ka bad-baaday, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale Waxa ay  xireen  ciidamo badan ay isku gadaameen aagii kolonyada lagula beegsaday qaraxa oo ah isgoys mashquul badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post