729 Views

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Dhusamareeb kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo  Dhusamareeb kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka Galmudug
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Madaxweyne ku xigeenka galmudug Cali Daahir Ciid aya magaalada Dhusamareeb kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray magaladaas.

Kulankan oo qaatay saacado ayaa  Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid waxa uu kula dardarmay guddiga shaqada Hortaala in ay tahay Shaqo adag sidaa daraadeedna Galmudug ay tahay meelaha ugu adag ee uu ka jiro loolanka doorashada xildhibaanada sidaad darteed loo bahan yahay in si cadaalad ah loo maamulo doorashada.

Sidoo kale Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Galmudug Maxamed Daahir ayaa isna  sheegay in ay si cadaalad ah wax ku maamuli doonaan ayna rajaynayaan in ay doorashadu u dhaco sida ugu wanaagsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post