993 Views

Diyaarado Ciidamo sida oo ka degay Dhuusamareeb

Diyaarado Ciidamo sida oo ka degay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa goordhow ka degay laba diyaaradood oo sida qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada Madaxweyne Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo.

 

Ciidamadan ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho,waxaana horudhac u yihiin Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in Maalinta Berrito ah uu gaaro Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegannada Galmudug oo mudo Toban Cisho ah ka socday Magalada Dhuusamareeb,isla markaana qodobo dhowr ah looga hadlay.

 

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, iyada oo siweyn loo adkeeyay Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment