1290 Views

Shir laga yeeshay falalka Amni darro ee ku kordhay Magaalada Marka

Shir laga yeeshay falalka Amni darro ee ku kordhay Magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 26, 2021–Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Saraakiisha laamahaAmniga, kaas oo looga hadlayay amniga degmada.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Degmada  Marka ahna Duqa Degmada Cabdullahi Cali Axmed Waafoow,waxaana ka qeybgalay Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Ururka 14aad ee Guutada 14-ka Oktoober, Ciidamada  Nabad-Sugida Booliska iyo Gudoomiye ku Kuxigeenka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray arimo dhoowr ah oo ku saabsan xaalada Amni iyo sidii wax looga qaban lahaa  falalka Amni darro ee  Maalmihi dambe ka dhacayay Magaalada.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay kulanka kasoo saareen go’ano la xiriira dhanka amniga iyo sidoo looga hortegi laha weerada Al-Shabaab.

Gudoominayay Gudoomiyaha Degmada  Marka ahna Duqa Degmada Cabdullahi Cali Axmed Waafoow ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Magalada Marka iyo degaannada hoostaga.

Kulankan looga hadlayay amniga ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli dhawaan Garaash ku yal magaalada Marka uu ka dhacay qarax, kaas oo ku qarxay Ruux la sheegay in uu diyarinayay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post