741 Views

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo khudbadahooda jeedinaya

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo khudbadahooda jeedinaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 3, 2020 –Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah kulan ku yeesheen magaalada jowhar, waxaana hortagaya musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.

Sida ku cad Jadwalka ay dhawan shaaciyeen guddiga doorashada Guddoonka baarlamaanka Hir-Shabeelle isla Maanta ayaa la soo geba-gabeyn doonaa khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Ilaa 6 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa la filayaa hadii aan isbedel kale imaan in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post