1254 Views

Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku wajahan magaalada Kismaayo

Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku wajahan magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 07, 2019 – Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

Wafdiga tagay maanta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo tiro kooban oo ciidamo ah kuwaa oo la filayo in ay suganaa amaanka ra’iisal wasaaraha inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) lama oga mudada uu ra’iisal wasaaruhu ku sii sugnaan doono magaalada Kismaayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro heshiis hoose oo dhaxmaray maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka, islamarkaana booqashada ra’iisal wasaaraha ee Kismaayo noqon doonto dhameystirka heshiiskaa labada dhinac.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment