1062 Views

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay Madaxda Dowladda

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

 

Isaga oo ka hadlayay shir looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayuu sheegay in dowladda ay awooday lacago farabadan oo Taalooyin lagu dhisay laakin aysan awoodin in wax loo qabto dadka Reer Baladweyne aysan aheyn wax is qabanaayo.

 

“Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno in leys qabadsiiyo ayaa loo baahan yahay ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda ay dowlad ku tahay inay ku baraarug sanaato kana jawaabto dhibaatada dalka inta ay kari karto,hayeeshee uu sheegay inay tuhunsan yihiin inay wax badan qaban karaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment