825 Views

Shirki u dhaxeeyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta oo Xalay fashil ku dhamaaday

Shirki  u dhaxeeyey Ra’iisul wasaare  Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta oo Xalay fashil ku dhamaaday
____________________________________________________________________________

5– Marso, 2021

Wararka ka imaanaya magaaladfa Muqdisho ayaa shegaya in Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ee Xalay ka furmay Hotelka Decale uu ku dhamaaday fashil.

Shirkan ayaa looga hadlayey xal u helida khilaafka ka taagan doorashada iyo qodobo kale ayaa la isku mari waayey ka dib muudo saacadood ka badan oo la wada hadlayey

Qodobka ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa ahaa dalab ka yimid  musharaxiinta oo ahaa laga qeyb-galiyo wadahadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble ku gacan seyray.

https://e4b068fcccb41d40890cbb5cb70a7f6d.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-37/html/container.html Sidoo kale Wasiirka amniga Qaranka Xasan Xundubey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wada hadalladii Murashaxiinta iyo xukuumadda xil gaarsiinta ay qaateen saacado badan, balse aan lagu guuleysan in wax natiijo ah kasoo baxaan, maadaama buu yiri mucaaradku dalbadeen in laga qeyb-geliyo shirka golaha wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post