1404 Views

Wariye Coldoon oo lagu wareejiyay Ciidanka Itoobiya

Wariye Coldoon oo lagu wareejiyay Ciidanka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2019 –Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu xiray degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Wariye Coldoon ayaa lagu yaqaano nin si weyn uga hadlay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ay kala kulmeen maamulkii Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu ku sugnaa Magaalada Jigjiga, waxaana uu soo tabinaayay warar ku saabsan tacadiyadii loo geystay Soomaalida degan Itoobiya.

Isaga iyo labo wariye oo kale ayaa dhawaan laga qabtay degmada Gaashaamo, waxaana xiray Ciidanka Liyuu Boolis, ugu dambeyntiina waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Federaalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah waxgaradka Gaashaamo ayaa warbaahinta u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay , islamarkaana Ciidanka Federaalka ay u sheegeen in ay su’aallo ay weydiinayaan ka dibna ay soo deyn doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment