381 Views

Ruushka oo iska Diiday codsi uga yimi Mareykanka

Ruushka oo iska Diiday codsi uga yimi Mareykanka
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 23, 2022

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa horraantii Talaadadii iska diiday dalab Mareykanka uga yimid oo haa in meesha looga saaro adeegsiga hubka nukliyeerka inta lagu jiro dagaalka Ukraine. Pentagon-ka Mareykanka ayaa diidmadan Ruushka cambaareeyay, wuxuuna kutilmaamay talaabadan Ruushka ay tahay mid qatarteeda u leh.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka ayaa u sheegay CNN in hubka noocaas ah la isticmaali karo haddii Ruushka uu la kulmo “khatar dibadda ah”. Ruushka ayaa leh kaydka ugu badan ee madaxyada nukliyeerka.

Afhayeenka Waaxda Difaaca John Kirby ayaa sheegay in hadalada Nukliyeerka ee Moscow ay yihiin kuwo “khatar” ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post