1599 Views

Dowladda Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Dowladda Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 17, 2021–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.

Diyaaradaas oo wada dad farabadan ayaa waxaa dadkaasi kamid ahaa la-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo kuwoo wajahnaa Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa waxaa uu ku yiri” Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddii Turkiga ee Muqdisho maanta waxay dib ugu laaban doonaan Istanbul si ay u bilaabaan duulimaad kale oo Muqdisho ah.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay in warar aan waxba kajirin lagu faafiyay Baraha Bulshada, sidoo kalena khalalaasaha kajira Soomaaliyaa doonayo in loo soo wareejiyo dalkooda Jabuuti.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay inay garab taagnaan doonaan Soomaaliya ayna fargelin ku sameyneyn arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post