696 Views

War deg deg Ah: Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair oo hadda lagala baxay gurigiisa

War deg deg Ah: Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair oo  hadda lagala baxay gurigiisa
____________________________________________________________________________


arbaco: January 19, 2022

Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa hadda lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xiray Xarunta Dambibaarista CID ee KM4.

https://1155a9ec7244eb3f8f3c1353449f9e06.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeertay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya  in Suldaanka loo xiray arrimo la xiriira kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xarigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo u rabay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xiro musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

Sidoo kale Xariga loo geystay Suldaanka ayaa kusoo aadayo xilli dib loo bilaabay doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana Muqdisho ka socdo loolan loogu jiro kuraasta Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post