606 Views

Wufuud kusii qul quleysa Magaalada Dhuusamareeb & amniga oo la adkeeyay

Wufuud kusii qul quleysa Magaalada Dhuusamareeb & amniga oo la adkeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kusii qul qulaya Madax kala duwan oo halkaas uga qeyb-galeysa Shirka Madaxda dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa  Gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug & Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaas.

Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa  gaaray mas’uuliyiin horudhac u ah safarka ay Magalada Dhuusamareeb ku tagayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu gebo-gabo yahay.

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo Goobaha muhiimka ah lagu arkayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo amniga xaqiijinaya.

Shacanka Soomaaliyeed & Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa isha ku haya Shirka Dhuusamareeb oo ah fursadii ugu dambeeysay ee lagu gaari karo heshiis lagu qabto doorasho ka dhacda dalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post