315 Views

Lafta-gareen oo muqdisho kulan kula qaatay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka.

Lafta-gareen oo muqdisho kulan kula qaatay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Arbaco: February 2, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiir ku-xigeenka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge.

Madaxweeyne Lafta-gareen iyo Safiir ku-xigeenka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge ayaana kawada hadlan Arimaha Doorashooyinka gaar ahaan Doorashada golaha shacabka ee ka socto Maamulka Koofur Galbeed, Waxaana Lafta-gareen uga warbixiyay Doorashada maamulkaasi halka ay mareeyso.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale kala hadlay, Abaaraha iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Safiir ku-xigeenka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge ayaa sheegtay in ay dowladda Mareykanka maamulka Koofur galbeed ka taageeri doonto arimaha doorashooyinka iyo ugurmashadda dadka  ay abaaruhu Saameeyeen.

Ugu danbeeyntii Madaxweeyne Lafta-gareen ayaa uga mahadceliyey Safiir ku-xigeenka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge garab istaaga ay umuujisay Maamulka Koofur Galbeed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post