858 Views

Maxaan ka ognahay diyaarada ciidan ee ugu weyn caalamka ee uu Mareykaku ku dhaarto?

Maxaan ka ognahay diyaarada ciidan ee ugu weyn caalamka ee uu Mareykaku ku dhaarto?
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ee loo yaqaanno (USAF), waxaa uu ka mid yahay qaybaha ugu waaweyn ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, mas’uuliyadda koowaad ee ciidankan ayaa ah dagaalka hawada, difaaca hawada Maraykanka , iyo horumarinta cilmi baarista milatariga dalka Maraykanka oo dhaqaale faro badan uu ku baxo.

Ciidanka Cirka ayaa sidoo kale bixiya adeegyada hawada iyo taakuleynta laamaha kale ee milatariga Maraykanka iyagoo sidoo kale kaalmo iyo tababarro u fidiya waddamada ay xulafada yihiin.

Haddaba maxaan ka ognahay diyaaradda C-17 Globe master

Waxaad aad loo arkay markii uu dhawaan Mareykanka u isticmaalay diyaardaasi inuu ku daadgureeya muwaadiniintiisa iyo dadkii ka baxsanayay Afqaanistaan aahwaan. Diyaaradda nooca C-17 ee Globemaster ayaa ah diyaaradda ay ciidamada Mareykanka u adeegsadaan gaadiidka ciidamada iyo qalabka. Diyaaradda C-17 ayaa awood u leh soo daabulidda degdegga ah ee ciidamada iyo dhammaan noocyada xamuulka iyadoo geyneysa saldhigyada waaweeyn amabasi toos ah u geyenysa meelaha ay fadhiisimaha ka dhiganayaan ciidamada.

Diyaaradda ayaa fulin karta howlaha khiddadaha iyo xamuulka oo ay kor ka soo daadiso iyadoo sidoo kale qaadi karta eeyaha iyo bukaan socodka marka loo baahdo daad-gureynta bukaannada.

Firfircoonida iyo howsha diyaaradda C-17 ayaa gacan ka geysanaya horumarinta awoodda hannaanka daabulidda diyaaradeed si loo fuliyo baahiyaha Mareykanka ee diyaarado adduunka wax uga soo daabula.

Diyaaraddan oo lagu magacaabo C-17 ayaa ah diyaarada ugu weyn ee ciidamada cirka ee Maraykanka. Waxay leedahay afar matoor oo waaweyn waxayn ku duushaa xawaare aad u sarreeya oo gaaraya 450 kiloomiitar sacaaddiiba.

Diyaaradda C-17 waxay samaysay duullimaadkeedii ugu horreeyay bishii Sebtember 15, 1991, iyadoo noocii ugu horreeyay ee diyaaraddan ee la soo saaray la geeyay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Charleston, oo hadda loo bixiyay Joint Base Charleston, South Carolina, bishii June 14, 1993.

Bishii Janaayo ee sanadkii 1995-kii, ciidanka cirka ayaa ku dhawaaqay guuto gaar ah oo loo yaqaanno 17th Squadron kuwaas oo maamulaya sidoo kalena dib u habayn ku sameynaya diyaaradda C-17.

Ciidanka cirka ee Maraykanka ayaa markii hore ku tala jiray inuu iibsado 120 diyaaradood ee nooca xamuulka qaada ee C-17. Hase ahaatee markii militariga ay arkeen guulaha waaweyn ee ay diyaaraddan soo hoyisay awgeed isla markaasina, si loo fuliyo hawlgallo dhaqdhaqaaqa kala duwan, ee ciidanka ayaa ugu dambeyn militariga waxay go’aansadeen inay sameystaan diyaarado dheeraad ah, taas oo keentay in tirada guud ee diyaaradaha xamuulka qaada ee loo yaqaanno C-17 ay maanta tahay 223 diyaaradood.

Diyaaradda xamuulka u qaada militariga Maraykanka ee C-17 ayaa waxaa ka shaqeeya saddex qof, waxayna kala leeyihiin labo duuliye iyo nin ku takhasuusay qaabka diyaaradda xamuulka loo saaro.

Xamuulka marka laga hadlayo ma aha in qof walbo uu macallin ku yahay sida alaabta diyaaradda loo dhex dhigo. Diyaaraddan ayaa alaabta waxaa laga saaraa dhanka albaabka dambe iyo dhanka hore taas oo ah in afka hore ee diyaaraddu furmayo saasna alaabta lagu saarayo.

Baddana alaabta markii la rarayo waxaa dadku barteen in gacmaha alaabta lagu qaado oo la dhex dhigo, balse diyaaraddan qaab tiknoolajiyad ah ayaa alaabta lagu saaraa.

Waxaa dhacda in xarig lagu xiro oo alaabta tartiib tartiib iyo si nidaamsan ay diyaaraddu u galaan kaddibna silsilado gudaha lagu xiro xamuulka, si aysan u kala yaacin.

Ahmiyadda kale ayaa ah in xamuulka si istraatiji ah loo dhex dhigo diyaaradda si miisaanka la isugu dheellitiro. Haddii sidaas aan la sameyn waxaa dhici karta in diyaaradda aysan duulin amaba uu ka dhumo miisaanka marka ay hawada gesho taas oo halis weyn amaba khatar keeni karta.

Meeqa qof ayay qaadi kartaa?

Diyaaradda C-17 waxay qaadi kartaa hal mar 102 ciidan iyo qalabkooda iyadoo mararka qaarna marka kuraasta laga saaro ay qaadi karto ciidan gaaraya 400 iyo hubkooda.

Laakiin marka ay jiraan howlaha gurmadka degdegga ah, sida aan ku aragnay markii Maraykanku dad ka daabulayay Afghanistan ayaa waxaa dhacday in ay garoonka Kaabul ka soo qaadday dad gaaraya 823 qof iyo alaabtii ay siteen. Maraykanka ayaa markaasi sheegay in danta ay ku qasabtay. Arrintaas ayaa waxay bannaanka keentay awoodaha qarsoon ee diyaaraddan.

Dhanka kale xamuulka diyaardda C-17 ay qaadi karto ayaa lagu sheegay in ay tahay 265 kun oo tan.

Arrintan ayaa waxay ka dhigan tahay in diyaaraddan ay hal mar qaadi karto labo taangi dagaal iyo labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah.

Waxay awood u leedhay in sidoo kale ay shidaal hawada ku qaadato taas oo ka dhigaysa inay tahay diyaaradda keli ah ee 24 sacadood howlgal hawada ugu jiri karto.

Si kastaba qiimaha diyaaraddan lagu iibiyo ayaa isna ahayn mid fudud amaba aan u rooneyn jeebka dalalka caalamka ee hammi uu ka galo, waxaa la sheegay in hal diyaarad oo C-17 la iibiyo $202.3 million oo doollarka Maraykanka ah.

BBC Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post