930 Views

SAWIRO:- Mas’uuliyiin Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii liido

SAWIRO:- Mas’uuliyiin Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii liido
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu kasoo gaartay Qaraxii iyo weerarkii lala beegsaday Hotel Elite ee Dagmada Cabdicasiis.

Maamulka xarumaha caafimaadka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha xaalada dhaawacyada iyagoo sheegay in ay heleen adeeg fiican si wanaagsanna loola tacaalay,

Kusimaha Duqa Caasimadda ayaa Alle uga baryey intii weerarka ku dhimatay In uu Alle u naxariisto inta dhaawacana uu Allaah u booga dhayo.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa saaka ku sugan Xeebta liido, kuwaas oo sugaya Amniga goobtii uu weerarka ka dhacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post