237 Views

Hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo Munaasabad Sagootin ah u qabatay Bukaan Dalka wax looga qaban waayay oo ay Hey’ada u fududeysay Caafimaad Dibada ah.

Hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo Munaasabad Sagootin ah u qabatay Bukaan Dalka wax looga qaban waayay oo ay Hey’ada u fududeysay Caafimaad Dibada ah.
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 22, 2022

Maanta oo aay taariikhda tahay 22/12/2022, ayaa Munaasabad lagu sagootinayey, Salaad Abdullahi Mukhtaar, oo ah wiil 11 jir ah oo afka iyo daanka ugu taalo buro aad iyo aad u weyn  ayaa saakay lagu qabtay Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.

Salaad Abdullahi, oo kasoo jeeda qoys danyar ah, ayaa in mudo ah la xasuunsanayey Buradaa weyn ee afka kaga taala.

Hormuud Salaam Foundation, ayaa Salaad iyo Aabihiis ka keentay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, 18 August 2022, waxaana ay dejisey Hotel Shamo oo ay degenaayeen ilaa iyo wakhtigaas, Salaad waxaa loo sameeyey baaris caafimaad oo buuxda , taasoo loogu sameeyey Isbitaalak Erdogan ee Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho. Baaritaankii loo sameeyey waxaa la cadeeyey in aaanan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin, loona baahan yahay in loo qaado wadanka Dibadiisa.

Intas kadib waxaa lala wadaagay safiirka turkiga u fadhiya somaliya Mehmet Yilmiz kaaso oo dadaal dheer ku bixiyay sidii Turkiga loogu qaadi lahaa.

Waxaa xusid mudan in Hormuud Salaam Foundation ay bixisey dhammaan kharashaadkii ku baxay laga soo bilaabo ka keenidii Baardheere ilaa iyo  intii ay joogeen Muqdisho, sida hoteelkii , noloshii  iyaga iyo reerkoodii joogay Baaardheere iyo ticketyada ee Salaad iyo Aabihiis.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, oo goobta ka hadlay ayaa allah ugu baryey inuu Salaad siiyo Caafimaad, dawana ugu daro qaliinka lagu sameyn doono, Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey Safiirka Turkiga ee Somalia, Ambassador Mehmet Yilmiz, oo arinta Salaad dedaal weyn ku bixiyey una soo bandhigey Hormuud Salaam Foundation ineey  ka wada shaqeeyeen sidii Salaad uu u heli lahaa Daweyn.

Sh Cabduqadir Xaashi, iyo Cabdicasis Xasan Faarax oo ka tirsan Masuuliyiinta hey’adda Al Rahma Foundation, kana mid ah ehelada Salaad iyo aabaha dhalay wiilka ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation dadaalka ay ku bixisey sidii uu Salaad u heli lahaa daaweyn iyo daryeel, waxaana ay balan qaadeen in Salaad arintiisa ay ka warqabi doonaan, gacantana ku heyn doonaan inta uu joogo Turkiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post