789 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho oo la soo gaban gabeeyay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho  oo la soo gaban gabeeyay
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

 Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii la qanciyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay qaadacay shirka, ayaa lasoo geba-gebeeyey maalinkiisii koowaad..

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in shirkan, oo uu oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Goor sii horeysay, Xafiiska Rooble ayaa sheegay inuu ka raali-geliyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudaalwe tabasho uu ka qabay ka qeyb-galka shirka.

Maamul goboleedka HirShabeelle ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay inaanu ka qeyb geli doonin shirka wada-tashiga qaran kadib markii uu sheegay inaan lagala tashin, sidoo kalena wixii kasoo baxa aysan quseyn.

Qoraalka xafiiska xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble oo telefoonka kula hadlay madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post