924 Views

C/raxmaan C/shakuur oo sheegay inay walwal qabaan

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in xilligaan ay walwal & cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

 

Waxaa uu sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray hadana aysan muuqan qorsho ay ay Madaxda Dowladda u dejiyeen doorashada soo socota.

 

“Waxaan qabnaa walwal doorasho waayo waqtiga sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

 

 

 

Isaga oo la hadlayay idaacadda Voa-da ayuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay sameeyeen mudo kororsi taasina ay u keentay walwalka dhinaca doorashada ah oo ay qabaan.

 

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay joojiyaan dagaalka siyaasadeed oo ay ku haayaan siyaasiyiinta ka aragti duwan & Maamul Goboleedyada oo kala dhaxeeya talada dalka,loona baahan yahay in madaxda Dowladda & siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada labada Aqal ay ka wada tashadaan qaabka ay u dhici laheyd doorashada.

 

Hadalka Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya ay Madaxda Dowladda ku eedeeyeen inay qorsheynayaan mudo kororsi,hayeeshee Madaxda Dowladda ay ka jawaabeen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment