801 Views

u Diyaar garowga Ciidul Fidriga iyo Magalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo laga dareemayo.

u Diyaar garowga Ciidul Fidriga iyo  Magalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii  oo laga dareemayo.
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Maalmo kooban ayaa naga xiga Bilashada Bisha Ciidul Fidriga, waxaana laga daremayaa Magalada Nairobi gaar ahaan xaafada somalida ay aad u tagto.

Diyaar garow xoogan oo loogu jiro munaasabada Ciidul Fidriga ayaa laga dareemayaa xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.


Goobaha lagu iibiyo agabyada kala duwan sida dharka, alaabaha Caruurta ay ku cayaaraan  iyo macmacaanka ayaa laga dareemayaa saxmad xoogan saacadihii la soo dhaafay.

sidoo kale Magaalooyinka ku yaal gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa laga dareemayaa diyaar garowga maalintaan.



Magaalada Garissa ayaa waxaa laga dareemayaa si la mid ah diyaar garowgaan iyadoo suuqa lagu iibiyo dharka uu ganacsi ka socda sida uu noo Xaqiijiyhay Wariye Halkaas ku Nool.


Bisha Ramadaan ayaa caawa ah 27 iyadoo la filayo in maalinta Arbacada ay dadka iidaan oo 29 bishan Ramadaan ay ku began Tahay maalinta talaadada ah oo ku began laba maalin kadib maalinta sadaxaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post