960 Views

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Amniga oo ka furmay Muqdisho

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Amniga oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Shir looga hadlayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cabdi Kooshin oo furay shirka  ayaa sheegay in shirkaan lagu xoojin doono wadashaqeynta Wasaaradda amniga iyo dowlad goboleedyada,isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan qodobo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Shirkaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb gelaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha amniga maamul goboleedyada,Gobolka Banaadir,Boliiska Amisom iyo Mas’uuliyiin ka socta beesha caalamka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment