Toronto | QOL | July 10, 2016 – Ali Mohamed-Ali, waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda North Etobicoke. Waana aabe iskuullada Etobiokce ay u dhigtaan afar caruur ah. Cali wuxuu ku barbaaray kuna dhamaystay dugsigiisa sare xaafadda North Etobioke. Kadibna wuxuu aaday Jaamacad si aqoontiisa uu sare ugu qaado. Wuxuuna qaatay shahaada Jaamacadeed ee heerka 1aad (BA) iyo heerka 2aad ee Master Degree ah. Wuxuuna kazoo shaqeeyay hay’ado kala duwan ilaa uu gaaray heer maamule (manager) ah.
Waxaa intaa u dheer, isagoo ah qof aqoon gaar ah u leh waxbarashada iyo habka ay u shaqeyso TDSB. Waana shakhsi leh karti wax lagu meelmarinkaro. Ali waa qof u dhego nugul waaliddiinta, kuna dadaala meel marinta hamiga waalidka. Taasaana ku dhalisay in shaqooyin kala duwan si volunteer ah ugu qabto iskuulo badan oo ku yaala xaafadda North Etobiokce, sida Kingsview Village, Braeburn Junior Public School, The Elms, The Boys Leaderhip Academy and Thisletown Collegiate. Haddana, Cali wuxuu ka tirsan yahay gudiga waalidiinta ee matala Xaafada North of Etobicoke.
Cali Maxamed waa shakhsi daneeya horumarka caruurta iyo dhalinta Soomaaliyeed ee Toronto. Wuxuuna qayb lama ilaawaan ah sanad walba ka qaataa sidii ardeyda Soomaaliyeed u heli lahaayeen shaqooyin xiliga xagaaga ee iskuuladu xiran yihiin. Dhowrkii sano ee tegey, Cali wuxuu xil gaar ah iska saaray, sida dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen shaqooyin.
Ali waxaa u degsan qorshe sare loogu qaadayo waxbarashada ubadkeena , hadii aad codkiina siisaana, waa shakhsi loo aayi doono, waxaana ka mid ah qorshahiisa:
- Kobcinta iyo sare u qaadidda tayada waxbarashada ardeyda dhigata dugsiyada TDSB-da
- Sare u qaadidda tayadda waxbarashada dugsiyada caamka ah ee hoosyimaada TDSB.
- In waalidku noqdo mid loo dhego nuglaado, lehna tixgelinta 1aad markay timaado aqoonta caruurtiisa.
- In Xaafadda Etobicoke North yeelato guddi joogta ah oo matasha magaca waalindiinta ee xaafaddaasi
- In iskuulaada North Etobicoke noqdaan kuwo xasiloon, ardayduna ay ka helaan waxbarsaho ku filan oo tayo leh.
Qorshaha Mohamed-Ali uu ku haminayo waa ku faa’iido u leh ubadkeena, waalindiinta iyo dhammaan jaaliyadeena.
Sidaa daraadeed ayaa waxaa lagu boorinayaa dadweynaha ku nool Toronto iyo Xaafadda North Etobicoke, inay taageeraan, aqoonyahnka Cali Maxamed oo lafilayo inuu ku guuleysto tartanka dhiciddoona bisha July 25keeda.
Hadal badan haan ma buuxshee, ku soo biira waalindiinta faraha badan ee doonaya inuu Cali Maxamed uu noqdo shakhsiga jaaliyaddeena u melatelidoona gudoonka waxbarashada ee TSDB.
Wixii faahfaahin dheeraad ah: booqo http://www.electmohamed-ali.com/
Dooro aqoon yahan, kula af ah, daneynaya waxbarashada ubadkeena
.
.
.
by Adan S. Awale | Qaranimo Online | Toronto
__________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________