597 Views

Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Afgooye

Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Afgooye
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Dagaal ayaa la soo sheegayaa in Xalay abaare 2:00 saqdii dhexe ee habeenimo ka bilowday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Weli lama xaqijin karo cida dagaalameysa maadaama ay tahay xili habeenimo ah balsegoob joogayaal ayaa sheegaya inuu u dhexeeyo ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisimaha ciidanka DF.

Dadka degaanka oo qaarkood hurdada ka soo salalay ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas iyo daryanka hub culus oo la isweydaarsanayo kuwaasoo cabsi badan ku abuuray.

Ma jiro illaa hadda cid ka hadashay dagaalkan oo la sheegay inuu yahay kii ugu qaraaraa ee mudooyinkan ka dhaca degmadaas.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, wixiii faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe insha allah

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post