1614 Views

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan La Qaatay Laamaha Amniga Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan La Qaatay Laamaha Amniga Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ee weli aan la caleemo saarin Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magalada Baydhabo waxa u kulan kula qaatay laamaha Amniga deegaanada Maamulkaas.

Madaxweyne Laftagareen iyo laamaha amniga deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ka wada hadlay dardargalinta Amniga deeganada Koonfur Galbeed iyo Xoojinta la-dagaalanka Al-Shabaab oo deegaanada ka mid ah Koonfur Galbeed ku sugan.

Madaxweynaha Cabdi Casiis Laftagareen ayaa baaq u diray Shacabka deegaanada Koonfur Galbeed iney la shaqeyaan Hay’adaha Nabadgalyada,si loo adkeeyo amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Si kastaba Magalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhaceysa 26 Bishaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment