714 Views

Booliska Hindiya oo qabtay nin gaystay kufsi wadareed 1999-kii.

Booliska Hindiya oo  qabtay nin  gaystay kufsi wadareed  1999-kii.
____________________________________________________________________________

.

 

February  26, /2/ 2021

 

Booliska bariga Hindiya ee Orissa (oo sidoo kale loo yaqaan Odisha) ayaa qabtay nin isku dayay kufsi wadareed la geystay 1999-kii. Wuxuu baxsad ahaa muddo ka badan labaatan sano.

Marakii ay toddobaadkii hore booliska isku dayeen inay tagaan guriga Bibekananda Biswal oo ku yaalla Galbeedka gobolka Maharashtra, waxay sheegeen inuu isku dayay inuu baxsado.

“Waxa uu arkay kooxda oo ku soo wajahan, wuxuuna isku dayay inuu baxsado. Markii la soo qabtay, wuxuu u sheegay, ‘halkan iga kaxeeya, wax walba waan isdiin sheegi doonaa’,” waxaa sidaasi sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Sudhanshu Sarangi.

Bibekananda Biswal waxa uu ka mid ahaa 3 nin oo lagu soo eedeeyay kufsi ay ku geeysteen haweeney 29 jir ahayd sanaddii 1999-kii. Waa uu beeniayay eedeymahaasi isaga ka dhanka ah.

Labada nin ee kale oo lagu kala magacaabo Pradeep Kumar Sahu iyo Dhirendra Mohanty ayaa la xiray laguna xukumay xabsi daa’in. Sahu xabsiga ayuu sannadkii hore ku geeriyooday.

Sida uu dhacay kufsiga iyo weerarka

Haweeneyda la kufsaday ayaa ka soo safartay magaalada Bhubaneswar, iyadoona ku wajahnayd magaalada Cuttack, waxaa safarka ku wehlinyay saaxibadeed oo weriye ahayd iyo darawalkeeda, markii ay 3 nin oo watay mooto ay jidka u galeen.

Nimanka weerarka ku soo qaaday ayaa ku khasbay in gaariga weeciyo dhanka goob ay iyaga u tilmaameen, sida lagu sheegay dukumiintiyada maxkamadda, muddo afar saacadood oo xiriir ah ayaa tacaddiyo loo geeystay dhowr goor. Iyada iyo saaxibadeed waa loo hanjabay waana la garaacay, waxaa intaasi u dheeraa in laga qaatay lacagtii iyo dhammaan alaabtii qiimaha lahayd oo ay wateen.

Dambiga ay geysteen ayaa xilligaasi qabsaday bogagga hore ee warbaahinta.

Booliska qaabilsan baaritaannada ayaa marki dambe lagu wareejiyay kiiska kufsiga ah, hase yeeshee Bibekananda Biswal ayaa lagu sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay kufsiga balse wuu baxsaday waxaana la waayay hakuu jaan iyo cirib dhigay.

Markaasi ka dib kiiska ayaa iska qaboobay, halka feelashiina ay ku booreysteen xarunta booliska ee Cuttack.

Bishii Nofeembar Mr Sarangi ayaa booqanayay xabsiga Choulder, arrimo la xiriiro kiis kale, halkaas oo uu kula kulmay Mohanty oo ka mid ah raggii kufsiga geesytay.

“Markii aan la hadlayay, waxaan ogaaday in mid ka mid ah raggii ay kufsiga isla geysteen aan weligii la qaban. Maalintii dambe, markii aan xafiiskayga ku laabtay ayaa dib u baaray feelashii”, ayuu ii sheegay Mr Sarangi.

“Markii aan akhriyay faaffaahinta kiiska, waxaan dareemay inay khasab tahay in la qabto. Wuxuu ahaa dambi aad u adag.”

Sidee ku heleen eedeysanaha?

Waxay ku qaadatay booliska seddex bilood oo xog aruurin ah iyo qorshe xeel dheer inay ku helaan ninka ay daba socdeen.

“Markii aan bilawnay baaritaanka, waxaan maqalnay inuu la xiriiray qoyskiisa, xaaskiisa iyo labadiisa wiil. Waxaa la qabtay markii qoysku isku dayay inuu iibiyo dhul uu magiciisa ku saxiixay,” ayuu Mr Sarangi u sheegay BBC. .

Dhulka ayaa u dhow gurigooda oo ku yaal tuulada Naranpur ee degmada Cuttack, Mr Sarangi wuxuu sheegay in qoysku ay filayeen inay lacag fiican ka helaan iibka.

Tuhun ayaa yimid markii booliisku ay si dhow u eegeen dhaqaalaha qoyska.

Waxay ogaadeen in inkasta oo xaaskiisa ama wiilasha uu tuhunsanaha aysan haysan shaqo ama ilo dakhli oo joogto ah, ay jirto lacag joogta ah oo ku dhacaysa koontadooda oo ka timid qof lagu magacaabo Jalandhar Swain .

Tan iyo markii la xiray Bibekananda Biswal, xaaskiisa Gitanjali ayaa beenisay in qoysku uusan wax xiriir ah la lahayn 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale beenisay inay wax lacag ah ka heshay, laakiin waxay diiday inay ka jawaabto su’aalaha ku saabsan cida uu yahay Jalandhar Swain ama sababta uu lacag ugu dirayay qoyskeeda, sida ay booliska sheegeen.

Halkee ayuu ku dhuumanayay?

“Hindiya waa dal weyn,” ayuu yiri Mr Sarangi, “Biswal wuxuu ku guuleystey inuu shaqo helo, wuxuu lahaa kaarka bangiga, waa waajib dhammaan muwaadiniinta canshuuraha bixiya iyo kaarka kaarka aqoonsiga qaran ee Hindiya . “

Laga soo bilaabo 2007-dii, wuxuu ku noolaa xeryaha shaqaalaha ee Aamby Valley oo ah magaalo ku taal degmada Pune oo hoy u ah qaar ka mid ah kuwa ugu taajirsan Hindiya .

Isniintii, shaqaalaha telefishanka maxalliga ah ayaa isku dayay sidii ay u soo arki lahaayeen markii tuhmanaha la geeyay maxkamad ku taal Bhubaneswar.

Isaga oo ku labisan funaanad buluug ah iyo surwaal madow ah oo wejigiisana ku duuban yahay masar la keenay banaanka goobtii lagu qabtay.

Maxaa xigi doono?

Mr Sarangi wuxuu leeyahay waxaa jira su’aalo badan oo jawaabo u baahan . Sidee buu ku baxsaday? Halkee buu joogay ka hor 2007? Sidee buu usii joogay isagoo aan la ogaan inbadan? Sidee ayuu shaqo ku helay? Ma qof baa caawiyey?

Su’aalaha waa kuwo muhiim ah, ayuu yidhi, gaar ahaan sababo la xiriira eedeymaha culus ee loo soo jeediyay.

Kadib, waxaa sidoo kale jira caqabado badan. Marka hore, waa inuu aqoonsado, laakiin waqti aad u dheer ayaa laga joogaa markii dambiga la galay. Markaa maxkamad ayaa bilaabmaysa, taas oo u horseedi karta ama aan u horseedi karin xukun.

“Waxaan dooneynaa inaan hubino in kiiska uu kudhamaaday xukun,” ayuu yiri Mr Sarangi. Waxaan rabaa inuu inta noloshiisa ka dhiman ku qaato xabsiga.

Gabadhii kufsiga lagula kacay ayaa u mahadcelisay “Mr Sarangi iyo kooxdiisaba sida ay cadaaladda ii gaarsiiyeen”, iyadoo sheegtay inay dooneyso ciqaab dil ah in la marsiiyo eedaysanaha.

Waxay u sheegtay mid ka mid ah TV-yada maxalliga ah inaysan ka fileynin in la xiro oo ay “nafis iyo farxad ku noqotay” hadda markii ugu dambaysay ee la qabtay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post