1512 Views

Taliska AMISOM Iyo Saraakiisha Ciidanka Kenya Oo La Sheegay Inuu Soo Kala Dhex Galay Khilaaf Xoogan

Taliska AMISOM Iyo Saraakiisha Ciidanka Kenya Oo La Sheegay Inuu Soo Kala Dhex Galay Khilaaf Xoogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 1, 2019 –Walaac ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka muujiyeen Dhaqdhaqaaqa socda ee ay Ciiddanka Kenya ka wadaan Saldhigyadooda,iyagoo ku wajahan  xuduudka dalkooda hooyo.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Saraakiisha AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia iyo Taliyayaasha Milliteriga Kenya ee ku sugan magaalladda Nairobi, kuwaasi oo ku kala aragti duwan qaabka ay u socdaan Hawlgalladda Milliteri iyo ka-bixitaanka Kama-dambaysta.

Saraakiisha ku sugan Nairobi waxay leeyihiin kulamo xiriir ah oo ay kaga hadlayaan dhacdooyinka gudaha somalia, iyo inaysan ku faraxsanayn qaabka uu u socdo Hawlgalka AMISOM.

Taliyayaasha AMISOM iyo dalalka kale ee Ciiddankooda ka tirsan yihiin Hawlgalka AMISOM  ayaa sheegay inaysan wax sahlan ahayn codsiga Saraakiisha Kenya ee gudaha AMISOM iyo inay Kenyanka u dhaqmayaan sidii Walaal weyn oo kale.

 

Khilaafka AMISOM iyo Saraakiisha Milliteriga Kenya waxaa la sheegay inu uaad u sii xumaaday dhowrkii isbuuc ee la soo dhafaay, kadib, markii ay Kenya ciiddankooda kala baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen Gobalka Somalia, tallaabo ay Hoggaamiyayaasha Soomaalida ku sheegeen inay daad-gureyntaasi waxyeelli karto  dhanka Ammaanka.

Toddobaad ka hor, Ciiddanka Kenya waxay ka baxeen Saldhigoodii ku yaalla Deegaanka Busaar ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ay Ciiddanka Kenya horey kala kulmeen khasaarihii ugu badnaa Taariikhda ee weerarkii Ceel-cadde oo lagu dilay 200 Askar Kenyan ah.

Wargeyska The Nation waxa uu qoray inay ogaadeen in Ciiddanka Kenya ka soo gudbeen Xuduudka, halka ay Taliska AMISOM beeniyeen inay wax ka og yihiin bixitaankaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment