1308 Views

Buundo muhiim u aheyd isku socodka Gobollada qaar ee dalka oo go’day

Buundo muhiim u aheyd isku socodka Gobollada qaar ee dalka oo go’day
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 13, 2019Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan inay go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magalada Baladweyne.

 

Buundadaas ayaa muhiim u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya,waxaana Go’ida buundadaas xaqiijiyey dadka deegaanka.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Roobka Guga oo daadad wata uu ka da’ay deegaanada Waqooyi Bari ee Gobolka Hiiraan,daadadkaas oo keenay inay Go’do Buundada deegaanka Ceel-Gaal.

 

Qof ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ayaa Warbaahinta u sheegay in gebi ahaanba Buundada ay burburtay,isla markaana aan la aqoonsan karin halkii ay ku taallay,waxana uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay.

 

Dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsiqaba in daadadka kasoo rogmaday Buundada inay waxyeelo gaarsiiyaan.

 

Waxaa gebi ahaanba Go’ay xilligaan isku-socodka dadka iyo Gaadiidka deegaano badan oo ka tirsan gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya oo gaadiidka ka dhex Shaqeeya ay marin u aheyd Buundadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment