918 Views

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin: Maraykanka dagaal ayuu sanka naga gelinayaa

Madaxweynaha Ruushka  Vladimir Putin: Maraykanka dagaal ayuu sanka naga gelinayaa
____________________________________________________________________________

February 2, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu isku dayayo inuu dalkiisa u horseedo dagaal ka dhaca Ukraine.

Waxa uu sheegay in hadafka Mareykanka uu ahaa in dagaal ka dhex dhaca Ukraine iyo Ruushka uu ka dhigto marmarsiiyo uu cunaqabateyn dheeraad ku saaro Ruushka.

Mr Putin waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu iska indha tirayo walaaca Ruushka ee ku wajahan ciidamada isbahaysiga Nato ee Yurub.

Maraykanka iyo xulafadiisa gaashaanbuurta Nato ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu qorsheynayo duulaan uu ku qaado Ukraine, taas oo uu Ruushku marar badan beeniyay.

Talaadadii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Maraykanku “ay ka go’an tahay in uu ka hortago khilaaf aan cidna dani ugu jirin”.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ruushku waxa uu xadka u Ukraine ku daabulay ilaa 100,000 oo askari – oo si buuxda u qalabaysan.

Waxay ku soo beegantay sideed sano ka dib markii uu dalkaasi la wareegay gacanka koonfureed ee Ukraine ee jasiirada Crimea oo uu taageeray kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhacay bariga Donbas.

Moscow ayaa iyaduna ku eedaysay xukuumadda Ukraine inay ku guul-darraysatay fulinta heshiis caalami ah oo lagu soo celinayo nabadda bariga, halkaas oo ugu yaraan 14,000 oo qof lagu dilay, fallaagada uu Ruushku taageerona ay ka taliyaan dhulal badan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii ka digay in duulaanka Ruushka “uusan noqon doonin dagaal u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka balse uu noqon doono dagaal Yurub oo dhan saameeya “.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post