972 Views

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Kenya iyo Somaliya

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Kenya iyo Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 26, 2019 –Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ku howllan tahay sidii ay u kala dhexgeli lahayd dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Danjiraha Mareykanka ee Dalka Kenya Kyle McCarter oo wareysi siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay si toos ah ugu jirto arrintan.

Waxaa uu sheegay in Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin labada dal oo aan sinnaba u kala maarmin dad ahaan, deris ahaan iyo dagaalka labadaba ay kula jiraan AL-shabaab.

Safiirka Mareykanka ee Kenya ayaa la weydiiyay haddii ay muranka Badda ee labada dal ka dhaxeeya ku xallinayaan meel ka banaanka ah Maxkamadda ICJ,waxaanu yiri.

“Waxaan si toos ah ugu guda jirnaa fududeynta iyo xallinta muranka Kenya iyo Soomaaliya,waxaan aaminsanahay in labada dal ay muhiim isu yihiin una baahanyihiin deris wanaag, waxaana uu muhiim u yahay in la jebiyo AL-shabaab”.

Dowladda Kenya ayaa isku dayday in ay xoog ku qaadato biyaha Badda ee Soomaaliya qeyb ka mid ah,waxaana dowladda SOomaaliya ay sanadkii 2014kii ka dacweysay Maxkamadda ICJ, taas oo ku dhawaaqday in dhegeysiga Kiiskaas laga dhigay 9ka Bisha September ee soo socota.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment