531 Views

Ciidamada Dowladda oo furay wadooyin ay xireen Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda oo furay wadooyin ay xireen Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Axad: May 8, 2022

 Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno katirsan Al-Shabaab oo muddo toban sana ah wadooyinkaasi go’doomiyay, sida ay shegeen.

Howlgalka lagu furayay wadooyinka waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post